Kulamada Trump iyo Putin oo laga cabsi qabo in ay natiijo la’aan ku dhammaadaan

Kremlin-ka Ruushka ayaa yareeyay hadal haynta ku saabsan kulan la filayay in uu dhex maro Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky.
Kulankan oo hore loo saadaaliyay, wuxuu daba socday hadallo uu mar kale jeediyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo ku baaqay in labada hoggaamiye la iskugu keeno wada-hadal ku saabsan sidii loo joojin lahaa dagaalka Ukraine.
Arrintan ayaa timid kaddib kulan labo geesood ah oo madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka ku dhex maray gobolka Alaska toddobaadkii hore, waxaana si toos ah ugu xigtay kulan Aqalka Cad lagu qaabilay toddoba hogaamiye oo Yurub ah iyo Madaxweynaha Ukraine Zelensky Isniintii.
Trump ayaa qiray in kulankii uu la yeeshay Putin uu ahaa “mid adag,” isaga oo xusay in ay dhici karto in Madaxweynaha Ruushku aanu weli danaynin in uu joojiyo colaadda.
“Toddobaadyada soo socda ayaan ogaan doonaa sida uu Putin uga jawaabo arrintan,” ayuu Trump yiri Talaadadii. “Waxaa suuragal ah inuusan weli diyaar u ahayn in uu heshiis qaato.”