Madaxweynaha Soomaaliya oo mucaaradka ku tilmaamay caqabadda hortaagan wada-xaajoodyada doorashada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa khudbad ka jeediyay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hindisaha doorasho qof iyo cod ah, wax ka beddelka Dastuurka, iyo wadahadalladii dowladda iyo mucaaradka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliil u jeediyay xubnaha mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samatabixinta, isaga oo sheegay in ay iyagu sabab u noqdeen fashilka ka dhashay wadahadalladii hore.
Isaga oo arrinta ka hadlaya wuxuu yiri:
“Maxaad uga soo horjeedaan Dastuurka? Waxaa la yidhi: ‘Cutubka afraad oo ka mid ah afartii cutub ee dib loo eegay, ha la celiyo.’ Cutubkan oo jiray tan iyo 2012, haddii uu faa’iido leeyahay, ma jirteen baahi mid kale loo sameeyo. Haddii aanu anfacayn, waa in aan ka wada hadalnaa si mid cusub loo qoro.
Saddexdii shir ee hore wax natiijo ah ma keenin, balse kii afraad qodobbo ayaa la keenay. Waxaan oggolaanay in aan baarlamaanka dib ugu celinno, annaga oo ku heshiinnay in qaybaha qaarkood la ansixiyo halka wixii kale laga wada hadlo. Laakiin mucaaradku waxay ku adkaysteen in dhammaan la ansixiyo, iyada oo aan dood kale laga gelin. Maalin walba wadaxaajood aan dhammaad lahayn lama wadi karo.”
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdu diyaar u tahay wada-hadallo miro dhal ah, balse aan la aqbali karin in doodaha lagu celceliyo mar kasta oo la isku yimaado.